Saturday, October 29, 2022
Mudo todobaad ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay xaflado iyo casho sharaf loo sameeyay Wadih Al-Othman oo ahaa safiirkii Imaaraadka Carabta ee uu waqtigiisa dhamaaday.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey safiirka Imaaraadka dadaalka
uu ugu jiro horumarinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, kaas
oo ku dhisan dadaal wadajir ah iyo is ixtiraam.
Khamiisti ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa caawa
casho sharaf sagootin ah u sameeyay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u
fadhiyay Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcusmaani.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta
taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana si gaar ah uu uga hadlay hawshii uu
Safiirku ka qabtay dalka mudadii sanadaha ahayd ah ee uu fadhiggiisu ahaa
Muqdisho.
Dhankiisa Danjiraha Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad
celiyey wadashaqeynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga
mahadnaqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisul
Wasaaruhu.
Sidhookale Arbacadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Absher Omar
Jameh, ayaa Xafiiskiisa Xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka
Imaaraadka Carabta u fadhiya Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed
Al-Othman, Wasiirka ayaa uga mahadceliyey ugana mahadceliyey Safiirka
Imaaraadka ee xilka ka sii degaya. Doorka horumarinta iyo horumarinta
xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, Kaalmo wax ku ool ah oo uu ka geystay
horumarinta xidhiidhka labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Dhankiisa, Mudane Mohammed Ahmed Al-Othman ayaa bogaadiyay heerka wanaagsan
ee wada shaqayneed ee ka dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, isagoo uga mahad
celiyay taageerada uu ka helay madaxda Soomaaliya mudadii uu xilka hayay.
Friday, October 28, 2022
Shirkadii loo saxiixay shidaal baarista Soomaaliya oo gargaar ugu deeqday 6,000 oo qoys
Shirkadda dhowaan loo saxiixay shidaal baarista Soomaaliya ee Coastline
Exploration ayaa $1.4m oo cunto ah ugu deeqday 6,000 oo qoys oo ku nool guud
ahaan Soomaaliya si ay gacan uga geystaan gurmadka macaluusha abaaraha.
Gurmadka Coastline Exploration ayaa la gaarsiin doonaa 6,000 oo Qoys, oo ku
sugan Hobyo, Kismaayo iyo Baraawe.
Sadexdaas goobood waa meelaha ay ku dhaw yihiin Ceelasha Shidaal ee
diyaarka ah kuwaas oo la siin doono lix nooc oo cunto ah oo ay ka mid yihiin Sonkor,
Bariis, Bur, Saliid, Baasto, iyo Caano.
Coastline Exploration, oo ah shirkad Maraykan ah oo fadhigeedu yahay Bariga
Afrika, waxaa loo aasaasay in ay gacan ka geysato horumarinta arrimaha
shidaalka.
Shirkaddu waxay rumeysan tahay inay jirto fursad weyn oo shidaal iyo gaas
looga heli karo xeebaha Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay Coastline Exploration ayaa lagu sheegay in 2,000 qoys
oo ku nool gobol kasta la siin doono lix nooc oo cunto ah sida Sonkor, Bariis,
Bur, Saliid, Isbaanish iyo Caano. Qoys kasta ayaa heli doono 87.5 kg oo cunto
ah iyo sidoo kale 20 litir oo saliid ah.
Madaxa fulinta ee shirkadda shidaalka ee Coastline Exploration, Richard
Anderson oo ka hadlay lacagtaan ayaa sheegay inay uga qayb qaadanayaan
gurmaadka abaaraha ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay u
baahan yihiin caawimaad.
“Soomaaliya waxay u baahan tahay caawin si ay u yareyso xaaladaha abaarta
& sidoo kale macluusha daba dheeraatay ee saameeyay qoysas badan. Waxaan
rajeyneynaa in deeqdan raashinka ah ay wax ka bedesho xaaladda. si dhibaatada
loo yareeyo” ayuu yiri Mr Richard.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajahaysao abaartii ugu darneyd muddo 40
sano ah, kaddib afar xilli oo xiriir ah oo roob yari uu sababay in xoolihii ay
dhintaan, dalagyadii beerahana ay baaba’aan, iyadoo dadka reer miyiga ah ee ku
nool meelaha ay adag tahay in la gaaro ay yihiin kuwa ugu daran. Waxay sidoo
kale abaarta saamaysaa ku dhawaad illaa 7.8 milyan oo qof oo ah kala bar dadka
iyo 90% dalka waxaa soo food saartay macluul.
Wednesday, October 26, 2022
Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay ansixiyeen heshiis ay dowladda Soomaaliya saxiixday oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka
Puntland ayaa ka laabatay go’aankeedii arrimaa shidaalka, waxayna
taageertay heshiiska wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee kala saxiideen
dowladda federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration.
Madaxweyne Deni oo maanta hadalka ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 51-aad
baarlamaanka ayaa sheegay in Puntland soo dhaweynayso ka faa’iidaysiga
khayraadka Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato
sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadkaas.
“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka faa’iidaysiga khayraadka
Soomaaliya,….sidaa daraadeed waxay Puntland diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato
sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadka dabiiciga ah” ayuu yiri Madaxweyne
Deni.
Puntland ayaa horay uga digtay dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalkaSoomaaliya ee waddo dowladda federaalka iyo in la fuliyo hindise sharciyeedka
batroolka ee la ansixiyay 2020 oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.
War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay
in shan qodob oo wax ka bedel lagu sameeyay heshiiskii la saxiixay February
2022, sidoo kale Maxamuud Mashruuc, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo
Macdanta ayaa sheegay in wax ka bedelka lagu sameeyay talo sharci oo khubaro
ah.
Tuesday, October 25, 2022
Md Xasan Sheekh oo sagootgiyay James Swan
Madaxwaynaha Dowladda
Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula
qaatay Madaxtooyada Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u
qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa
diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada
dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah
argagixisada.
Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan
ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen
dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka
diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga
diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in
danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka
kale ee caalamka.
Monday, October 24, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka arrimaha deegaanka ee ka socda dalka Jabuuti ayaa ugu baaqay dalalka gobolka in si dhow ay isaga kaashadaan caqabadaha ka dhalan kara isbedelka cimilada.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka
jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay
qorshaha Soomaaliya ee ku aadan ka hortaga xaalufinta iyo nabaad-guurka
deegaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dul istaagay saamaynta baaxada leh ee
isbedelka cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya,
wuxuuna tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan
wada-shaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada
isbadalaysa.
“Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli
roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan
xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda
dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada,” ayuu yiri.
Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaa dhawaan daah-furnay Hindisaha Qaran ee
Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u
cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”
Shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti oo kasoo qeyb-galeen
wafuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka, ayaa waxa la iskula
meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka
cimilada ee wadamada gobolka.
Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray xarunta
cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.
Sunday, October 23, 2022
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration