Saturday, August 20, 2022

Ciidanka Dowladda oo soo afjaray Howlgalkii kasocday hotel Hayaat

 

hotel Hayaat

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran, ayaa soo afjaray inta badan Howlgalkii ka socday Hotelka Xayaat, waxaana jira Qaraxyo Caagado ku jira oo ay Shabaabku ku xireen Qaybta Saddexaad ee Hotelka, kuwaasi oo ay Qarxinayaan Ciidanka ammaanka, ay inoo xaqiijiyeen Saraakiisha ciidanka.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa wali wada howlgalo ay ku doonayaan in ay kaga takhalusaan kooxihii soo weeraray Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho. Dad badan oo ku go’doonsanaa Hoteelka ayaa la sheegay in ciidamada ay soo badbaadiyeen.

Weerarkan xaley ayaa tilmaamaya xiriirka ka dhexeeya Xarakadda Al-Shabab iyo siyaasiyiin xilal sare ka soo qabtay dowladihii hore, kuwaas oo isku dayaya inay abuuraan qalalaase ay ku wiiqayaan, isla markaana ay fashiliyaan guulaha laga gaarayo dowladda cusub.

Gurmadka iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda iyo sida ay ugu guuleysteen in ay go’doomiyaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo la tacaalidda si xirfadeysan ayaa muujineysa horumarka ay sameeyeen ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dalalka saaxiibada ah.

Weerarkan ayaa muujiyay heerka ay gaarsiisan tahay taageerada ay shacabka u hayaan madaxweynaha iyo xukuumadda cusub, iyadoo taasi ka duwan tahay niyad jabkii jiray xilligii dowladdii hore. Astaamihii dowladii hore ayaa wali ku dhaqmaya siyaasadii fowdada iyo dilka iyadoo adeegsaneysa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sidii ay sameyn jireen waagii ay maamulayeen.

Share:

Thursday, August 18, 2022

Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay madaxda ugu sareysa WFP

muqdisho


 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley.

 Madaxweynaha ayaa la wadaagay David Beasley dadaallada ay Dowladdu ku bixineyso wax ka qabashada xaaladaha deg dega ah ee ku saaban arrimaha gurmadka abaaraha iyo kaalinta looga baahan yahay hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka mid tahay WFP, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha Soomaaliya looga gacansiinayo in ay ka guurto marxaladda ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo si loogu gudbo horumar waara iyo xaqiijinta isku filnaansho buuxda oo uu gaaro dalkeenna.

 “Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xaqiijinta in dalkeennu uu gaaro horumar dhaqaale, amni iyo bulsho dhan kasta isaga filan, hannaanka kaliya ee lagu miro-dhalin karo waa in aan soo afjarno ku tiirsanaanta gargaarka, taas beddelkeeda aan xoogga saarno dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalkeenna.”

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey hay’adda WFP taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista barnaamijyada maalgashiga, horumarinta wax-soosaarka gudaha dalka, kor u qaadidda qorsheyaasha kobcinta iyo hubinta tayada cunnada dalka.

 Dhankiisa, Madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mudane David Beasley ayaa ballan-qaadday in Dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada abaaraha, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, cunnayarida iyo hormarinta adeegyada muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.

Share:

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray Dikreeto madaxweyne

Xasan Sheekh


 Madaxweyne Xassan Sheekh Maxmauud, ayaa digreeto madaxweyne ku magacaabay guddiag maamulka hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka

War-saxaafadeed laga soo saaray Villa Soomalaiya ayaana sidan u qornaa.

MEEL-MARINTA GO’AANKA GOLAHA WASIIRRADA EE MAGACAABISTA XUBNAHA GUDDIGA MAAMULKA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA

Muqdisho, Ogoosto 18, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya go’aanka shirka Golaha Wasiirrada ee Sumaddiisu tahay SHGW.00.01.08.202 ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;

  1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi- Guddoomiye
  2. Dr. Axmed Cabdi Aadan. Guddoomiye Ku-Xigeen
  3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan Agaasime
  4. Marwo Luul Axmed Coloow Agaasime
  5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.


Share:

Wednesday, August 17, 2022

Shir deg deg ah oo xalay ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya & RW Xamse Cabdi Barre

 

shir ay yeesheen wasiirada iyo RW xamse

Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.

Shirkan degdegga ah ee xaley oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:

Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka

Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.

sidhookale Ururada caalamiga ah ayaa dawr weeyn ku leh ladagaalanka abaaraha ee dalka ku hafsatey iyo qab soo mida shirkaan

sidhoo kale Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeedmeel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

 Ugu dambeyn waxaa Golaha Wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

 Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:

 1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta

3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

6. Wasiirka Maaliyadda

7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada

8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka

10. Wasiirka Amniga Gudaha

11. Wasiirka Gaashaandhigga

12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha

14. Culimada Soomaaliyeed

15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

16. Ururada bulshada Rayidka

 

Share:

Tuesday, August 16, 2022

MADAXWEYNE XASAN OO LA HADLAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE KENYA

 

xasan sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan SheekhMaxamuud oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa ugu hambalyeeyey isaga iyo Ku-Xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, guusha ay ka gaareen doorashooyinka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay shacabka Kenya, xisbiyada dalkaas, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba, sida nabadda ah ee ay doorashooyinkoodu u qabsoomeen, taas oo tusaale u noqonaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh hambalyada iyo bogaadinta guusha doorasho ee xisbigiisa, waxa uuna tilmaamay ixtiraamka iyo qaddarinta ay shacabka iyo dowladda Kenya u hayaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay adkeynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarka, xasilloonida Mandiqadda, kobaca dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u rajeeyay madaxda cusub ee dalka Kenya in ay ku guuleystaan ka miro-dhalinta hiigsiga shacabkooda ee dhanka horumarka, door muuqdana ay ka qaataan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga heer Gobol.

 

 

Share:

Monday, August 15, 2022

Salah ayaa ka argagaxay Crystal Palace

 

ciyaaraha



Laacibka reer Masar ee Mohamed Salah, oo u ciyaara kooxda Liverpool, waxa uu leeyahay nambar aad u khaas ah inta lagu guda jiro kulamada ay kooxdiisu la ciyaarayso Crystal Palace ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Liverpool ayaa ku kulmi doonta Crystal Palace fiidnimada Isniinta, garoonka Anfield, kulan ka tirsan wareegga labaad ee Premier League.

Bogga rasmiga ah ee xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka ayaa lagu qoray, “Mohamed Salah waxa uu ka qayb qaatay 11 gool 7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo uu kaliya ka horyimid Crystal Palace horyaalka Premier League”.

Reds ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay ee Premier League xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen Fulham wareegii koowaad.

Liverpool ayaa soo gali doonta kulanka maanta ee Crystal Palace, iyadoo ay ka maqan yihiin adeegyada Ibrahim Konate, Keller, Diogo Jota, Alexander Chamberlain, Curtis Jones iyo Thiago Alcantara.

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog