Shirkad Carbeed ayaa ku dhow heshiis taariikhi ah oo ay ku iibsanayso AC Milan
Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, Jimcihii, in shirkad maalgashi oo ku taal Bahrain ay wada hadalo degdeg ah kula jirto kooxda caanka ah ee AC Milan.
Isha ayaa sheegtay in "Invest Corp" ee Bahrain, ay wadahadalo gaar ah kula jirto AC Milan, oo ku tartameysa horyaalka Talyaaniga "Serie A".
Warku wuxuu intaa ku daray in heshiiskan uu ku dhow yahay in la dhamaystiro, waxaana ku baxaya lacag dhan 1.1 bilyan oo dollar.
Waxaa xusid mudan in AC Milan ay hadda leedahay shirkadda maalgashiga Mareykanka ee “Elliott Management”, taasoo mas’uul ka noqon doonta iibinta naadiga.
AC Milan ayaa noqon doonta kooxdii ugu horeysay ee Talyaani ah oo ka ciyaarta Serie A, waxaana iska leh machad Carab ah, hadii heshiiska taariikhiga ah la dhameystiro.
AC Milan waa mid ka mid ah kooxaha ugu da'da weyn adduunka, waana kooxda ugu guulaha badan Talyaaniga heerka Yurub, kooxda weyn ayaa ku guuleysatay 7 Champions League, iyadoo ka dambeysa Real Madrid.
0 Comments:
Post a Comment