Sunday, April 10, 2022

Ronaldo oo dhibaato ku jira

Booliiska Britain ayaa baaraya in Cristiano Ronaldo uu jabiyay taleefoonka taageere dhalinyaro ah


Ronaldo intii lagu jiray kulankii Everton


 Booliiska Britain ayaa furay baaritaan ku saabsan dhacdadii Cristiano Ronaldo uu ku jebiyay taleefoonka taageere dhallinyaro ah intii ay socotay ciyaartii Manchester United iyo Everton.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa raaligelin ka bixiyay garaacis uu ku garaacay taleefoon uu watay taageere, kadib markii ay dhamaatay ciyaartii kooxdiisa Manchester United, taasoo ay Sabtidii guuldarro kala kulantay Everton kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay xiddiga shanta jeer ugu fiican adduunka oo garaacaya taageere sawir qaadayay xilli uu ka soo baxayay leydiga cagaaran ee Goodison Park.

Baaritaanka booliiska

Kiiska ayaa sii xumaaday, markii booliiska Liverpool ay ku dhawaaqeen inay fureen baaritaanka kiiska, ayna la kaashanayaan maamulka kooxda Everton si loo ogaado xaaladda.

War qoraal ah oo uu soo saaray booliiska ayaa lagu yiri: “Waxaan isku dubbarideynaa kooxaha Manchester United FC iyo Everton FC ka dib markii ay soo baxeen warbixin ku saabsan dhacdo gacan ka hadal ah oo dhacay intii ay socotay ciyaarta, warbixintu waxay muujineysaa in ilmo uu weeraray mid ka mid ah ciyaartoyda ka dib dhamaadkii ciyaarta”.

"Baaritaannada ayaa socda, saraakiishuna waxay hadda la kaashanayaan kooxda kubadda cagta Everton si ay u eegaan kamaradaha ammaanka, ayna baaritaanno ballaaran ku sameeyaan markhaatiyaasha si loo ogaado in uu dambi dhacay," ayaa lagu daray warbixinta.

Booliiska Liverpool ayaa dhageystay marqaatiyada marqaatiyaasha kadib muuqaal muuqaal ah oo dhacdadaan ku faafiyay baraha bulshada.

Raali gelinta Ronaldo

Ronaldo ayaa ka hadlay dhacdadan, wuxuuna yiri: “Marna ma fududa in la xalliyo shucuurta waqtiyada adag sida kuwa aan wajaheyno waqtigan”.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan raaligelin ka bixiyo cadhadayda, waxaana jeclaan lahaa inaan taageerahaan ku casuumo inuu daawado ciyaar ka dhaceysa Old Trafford, taasoo cadeyn u ah muhiimada ay leedahay isboorti iyo cadaalad” ayuu ku daray hadalkiisa.

Share:

Related Posts:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog