Saturday, March 12, 2022

Mohamed Salah ayaa cabsi galiyay xulka Masar wuxuuna soo baxay isagoo dhaawac ah kadib goolkisii 20-aad.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkii 20-aad isaga oo dhaawac ah.


Mohamed Salah ayaa dhaawacmay kadib goolkisii 20-aad ee uu dhaliyay.


 Ka dib muddo dheer oo uu ka maqnaa inkaarta dhaawacyada, xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa ka soo baxay isagoo dhaawac ah kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay Liverpool ee Brighton, galabnimadii sabtida, kulan ka tirsanaa horyaalka Ingiriiska, taasoo cabsi gelisay dad badan oo Masar ah laba toddobaad ka hor ciyaartii Senegal ee Isreebreebka Afrika ee Koobka Adduunka.

Daqiiqado ka dib markii uu dhaliyay goolkii 20-aad ee Premier League xilli ciyaareedkan, rigoore loo dhigay, Salah ayaa ka baxay kulankii Brighton isagoo dhaawac ah, daqiiqadii 64aad.

Ma cadda nooca dhaawac ee ku qasbay Salah inuu baxo, laakiin wuxuu ku baxay cagihiisa isagoon wax xanuun ah ka muuqan, taasoo la macno ah dhaawac “fudud”.

Salah ayaa sidoo kale u tagay taageere ka tirsan Brighton, isagoo dhoola cadeynaya, wuxuuna siiyay funaanad, ka hor inta uusan u bixin qolka labiska.

Natiijadu waxay noqotay 2-0 ay Liverpool ku hogaaminayso Brighton, markaas oo Salah uu soo baxay.

Xulka Masar oo uu hogaamiyo Mohamed Salah ayaa wajihi doona dhigooda Senegal laba ciyaarood oo Playoff ah isreeb reebka koobka aduunka 2022 ee ka dhacaya dalka Qatar, laba todobaad kadib.


Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog