Friday, October 28, 2022

Shirkadii loo saxiixay shidaal baarista Soomaaliya oo gargaar ugu deeqday 6,000 oo qoys

 

shidaal

Shirkadda dhowaan loo saxiixay shidaal baarista Soomaaliya ee Coastline Exploration ayaa $1.4m oo cunto ah ugu deeqday 6,000 oo qoys oo ku nool guud ahaan Soomaaliya si ay gacan uga geystaan gurmadka macaluusha abaaraha.

Gurmadka Coastline Exploration ayaa la gaarsiin doonaa 6,000 oo Qoys, oo ku sugan Hobyo, Kismaayo iyo Baraawe.

Sadexdaas goobood waa meelaha ay ku dhaw yihiin Ceelasha Shidaal ee diyaarka ah kuwaas oo la siin doono lix nooc oo cunto ah oo ay ka mid yihiin Sonkor, Bariis, Bur, Saliid, Baasto, iyo Caano.

Coastline Exploration, oo ah shirkad Maraykan ah oo fadhigeedu yahay Bariga Afrika, waxaa loo aasaasay in ay gacan ka geysato horumarinta arrimaha shidaalka.

Shirkaddu waxay rumeysan tahay inay jirto fursad weyn oo shidaal iyo gaas looga heli karo xeebaha Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Coastline Exploration ayaa lagu sheegay in 2,000 qoys oo ku nool gobol kasta la siin doono lix nooc oo cunto ah sida Sonkor, Bariis, Bur, Saliid, Isbaanish iyo Caano. Qoys kasta ayaa heli doono 87.5 kg oo cunto ah iyo sidoo kale 20 litir oo saliid ah.

Madaxa fulinta ee shirkadda shidaalka ee Coastline Exploration, Richard Anderson oo ka hadlay lacagtaan ayaa sheegay inay uga qayb qaadanayaan gurmaadka abaaraha ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin caawimaad.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay caawin si ay u yareyso xaaladaha abaarta & sidoo kale macluusha daba dheeraatay ee saameeyay qoysas badan. Waxaan rajeyneynaa in deeqdan raashinka ah ay wax ka bedesho xaaladda. si dhibaatada loo yareeyo” ayuu yiri Mr Richard.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajahaysao abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah, kaddib afar xilli oo xiriir ah oo roob yari uu sababay in xoolihii ay dhintaan, dalagyadii beerahana ay baaba’aan, iyadoo dadka reer miyiga ah ee ku nool meelaha ay adag tahay in la gaaro ay yihiin kuwa ugu daran. Waxay sidoo kale abaarta saamaysaa ku dhawaad illaa 7.8 milyan oo qof oo ah kala bar dadka iyo 90% dalka waxaa soo food saartay macluul.

 

Share:

Wednesday, October 26, 2022

Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay ansixiyeen heshiis ay dowladda Soomaaliya saxiixday oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka

 

saarista shidaalka dalka


Puntland ayaa ka laabatay go’aankeedii arrimaa shidaalka, waxayna taageertay heshiiska wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee kala saxiideen dowladda federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration.

Madaxweyne Deni oo maanta hadalka ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 51-aad baarlamaanka ayaa sheegay in Puntland soo dhaweynayso ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadkaas.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa ka faa’iidaysiga khayraadka Soomaaliya,….sidaa daraadeed waxay Puntland diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato sidii looga faa’iidaynsan lahaa khayraadka dabiiciga ah” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Puntland ayaa horay uga digtay dhaq-dhaqaaqyada la xiriira shidaalkaSoomaaliya ee waddo dowladda federaalka iyo in la fuliyo hindise sharciyeedka batroolka ee la ansixiyay 2020 oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in shan qodob oo wax ka bedel lagu sameeyay heshiiskii la saxiixay February 2022, sidoo kale Maxamuud Mashruuc, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa sheegay in wax ka bedelka lagu sameeyay talo sharci oo khubaro ah.

 

Share:

Tuesday, October 25, 2022

Md Xasan Sheekh oo sagootgiyay James Swan

 

somalia

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada  Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

 

Share:

Monday, October 24, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka arrimaha deegaanka ee ka socda dalka Jabuuti ayaa ugu baaqay dalalka gobolka in si dhow ay isaga kaashadaan caqabadaha ka dhalan kara isbedelka cimilada.

 

cimilada

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aadan ka hortaga xaalufinta iyo nabaad-guurka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dul istaagay saamaynta baaxada leh ee isbedelka cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa.

“Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee isbaddalka cimmilada,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaa dhawaan daah-furnay Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.”

Shirka deegaanka iyo isbaddalka cimilada ee Jabuuti oo kasoo qeyb-galeen wafuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka, ayaa waxa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada ee wadamada gobolka.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhanka kale si wadajir ah xariga uga jaray xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyey dalka Jabuuti.

 




Share:

Sunday, October 23, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration

 

DF oo heshiis cusub la saxiixatay Shirkadda shidaalka ee Coastline Exploration

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u habayn ku sameysay heshiiskii wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee Wasiirkii hore Batroolka Cabdirashiid Axmed uu la saxiixday shirkadda Coastline Exploration.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada shidaalka ay ku guuleysatay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashada ee heshiiskaas.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, si loogu saleeyo danta dalka”.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kaashatay dib u habaynta heshiiskan Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah ayaa ku guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashadu, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu daray.

Coastline Exploration waa magaca cusub ee shirkaddii Soma Oil and Gas oo uu Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre saamilaydeeda mar ka mid ahaa.

Tallaabadan ay qaaday Dowladda Federaalka ayaa timid xilli ay dhawaan Puntland sheegtay in hindise sharciyeedka batroolka ee la ansixiyay 2020 uu yahay mid ka hor-imanaya dastuurka kumeel gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Share:

Saturday, October 22, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

 

Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Wafdiga ka qeyb galay xarig jarka waxaa kamid ah madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida iyo wafuud kale oo ka kala socota wadamada geeska Afrika.

Dekaddan ayaa lagu dhisay isku tashi iyado ay xusid mudan tahay in dhismaheeda uu qaatay muddo sanado ah.

Xogo aan helnay ayaa dhanka kale sheegaya in dekaddan aan loogu talagalin iney ku xirtaan maraakiibta waa weyn tusaale ahaan kuwa sida Container-da balse kaliya kusoo xiran karaan doomaha iyo maraakiibta yar yar.

Gobolada koonfureed ee maamul goboleedka Puntland, gobolada dhexe ee Soomaaliya, marka laga soo tago ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Itoobiya ay tahay dal aan bad lahayn, kuna tiirsan dekedaha Jabuuti iyo Berbera ee Somaliland, ayaa ka faa’iidaysan doona dekedda si loo soo nooleeyo dhaqaalaha deegaanka. .

 





Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog