Benzema: Tani waa sida aan dareemo Ramadaanka
Gooldhaliyaha ugu sarreeya Real Madrid, Karim Benzema, ayaa xaqiijiyay in soonka bisha Ramadaan uusan saameyn ku yeelaneynin heerkiisa, laakiin taa beddelkeeda ay siiso dareen cajiib ah.
Isagoo wareysi siinayay majaladda Esquire, xiddiga quruxda badan ee Faransiiska ayaa sheegay in Ramadaantu ay tahay qayb lagama maarmaan ah oo noloshiisa ka mid ah.
Benzema ayaa yiri: “Ramadaan wax saameyn ah kuma yeelaneyso noloshayda, Ramadaan waa qeyb ka mid ah nolosheyda, diinteyda ayaana igu qasbeysa inaan soo galo Ramadaan, aniga waa ii muhiim, soonka ayaana dareen weyn iga dhigaya”.
Ciyaartooy badan oo Muslimiin ah ayaa dhibaato adag kala kulma soonka Yurub, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, gaar ahaan iyadoo hadda uu marayo marxalad xasaasi ah oo ka mid ah horyaalada Yurub.
Ilaa hadda Benzema ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Real Madrid isaga oo noqday gool dhaliyaha ugu sareeya horyaalka isaga oo dhaliyay 24 gool 30 kulan oo uu ciyaaray.
0 Comments:
Post a Comment