Maanta ta oo kale, 50 sano ka hor, waxaa la helay askari u dhashay dalka Japan oo geeri lagu xisaabay balse isagoo nabad qaba duurka ku dhuumanayay ku dhawaad 30 sano kaddib markii uu dhammaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Askarigan oo keligiis howdka ku gabbanayay muddo 28 sano ah ayaa ka cabsanayay cadowga la dagaallamayay, balse kama uusan war qabin in dagaalka uu dhammaaday islamarkii uu duurka galayba.
Markii la helay ayaa loo aqoonsaday inuu yahay halyeey, waxaana dib loogu soo dhaweeyay Japan, balse uma suurtagelin inuu la qabsado bulshada ku nooleyd duni isbaddashay oo horumar badan gaartay.
Muddadaas 28-ka sano ah, Shuichi Yokoi, oo darajo ka hayay militeriga Japan, waxa uu ku noolaa keymaha Guam, waxa uuna ku rajo weynaa in maalin maalmaha ka mid ah ay saaxiibbadiis soo raadin doonaan.
Markii ay koox ugaarsato ah ku arkeen jasiirad ku taalla Pacific 24-kii bishii January ee sanadkii 1972-kii, ninkan oo xilligaas ay da'diisu ahayd 57 sano waxa uu u maleeyay in ay cadowgii gacanta ku dhigeen oo naftiisuna ay khatar ku jirto.
"Wuu argagaxay markii uu arkay ugaarsatada," ayuu yiri Omi Hatashan, oo uu adeer u yahay Yokoi.
Muddo dheer kaddib wuxuu arkay bani'aadankii ugu horreeyay ee isaga oo kale ah, maadaama uu u maleynayay cadowgiisana, Yokoi waxa uu isku dayay in uu qoriga ka xoogo mid ka mid ah ugaarsatadii, balse tabar darrada uu ka qaaday cuntada xumada awgeed, wuu ka xoog badin waayay ninkii qoriga heystay.
"Wuxuu ka baqay in ay ka dhigaan maxbuus dagaal - taasi waxay ahaan jirtay ceebta ugu weyn ee uu la kulmo askari reer Japan ah wayna ku adkeyd inay qoyskooda dib ugu soo laabtaan iyagoo maxaabiis ahaan loo soo daayay," ayuu yiri Hatashin.
Markii ay soo kaxeeyeen intii dhexda lagu soo jiray ayuu Yokoi ku ooyay raggii isagoo ka baryaya inay isla goobtaas ku dilaan.
Hatashin waxa uu dhowr sano ku qaatay soo aruurinta sheekooyinka xiisaha leh ee ku saabsan qaabkii lagu soo helay adeerkiis, isagoo isku duwayay xasuusta Yokoi iyo markhaatifurka dadkii soo helay.
Sanadkii 2009-kii ayaa luuqadda Ingiriiska lagu daabacay buugiisii uu kaga hadlayay taariikhda Yokoi. Waxaa buuggan lagu magacaabaa Private Yokoi's War and Life on Guam, 1944-1972 (oo micnaheedu yahay 'Dagaalkii khaaska u ahaa Yokoi ee socday 1944 ilaa 1972').
"Aad baan ugu faraxsanahay waxa uu sameeyay. Waxa uu ahaa nin aamusan oo xishood badan, balse qax qabad weyn leh," ayuu yiri.
0 Comments:
Post a Comment