Thursday, September 21, 2023

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA,oo lakulmey Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,

 

Hay'adda SoDMA


Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlayay taageerada arrimaha xasilnta, u-diyaar garowga Duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Dhinacyadu waxa ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani'aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyo khawaarijta, in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hor tagga iyo ka daba-tagga saameynta la filayo ee Duufaanta El-Nino iyo in Dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA, wuxuu sidoo kale safiirka kala hadlay sidii ay nooga gacan siin lahaayen fududeynta kulama doceedka hay'adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan.

Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wadahadlay wuxuuna xusay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

 

Share:

Wednesday, September 20, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhin doona Soomaaliya

 

danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Safiirka cusub ee Midowga Yurub Karin Johansson, ayaa shalay oo Isniin ahayd warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Dusmareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya. ee dalka.

Munaasabadan oo aheyd mid taariikhi ah ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo warqadaha aqoonsiga looga guddoomo madaxweynaha oo ka soo baxay xafiiskiisa oo ku yaala xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay “Tani waa waqti taariikhi ah oo cadeyneysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay saameyn ku leedahay meelo ka baxsan caasimadda Muqdisho, isagoo intaa ku daray in aan halkan u joogno inaan u adeegno shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhammaan gobollada dalka”.

Danjire Johansson ayaa dhankeeda bogaadisay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo sheegtay in xiriirka MidowgaYurub iyo Soomaaliya uu marayo heerkii ugu sarreeyay abid.

 

Share:

Tuesday, September 19, 2023

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wada hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa waddooyinka iskaashiga amniga

Soomaaliya iyo Sacuudiga

 

Amiir Cabdulcasiis Bin Sacuud Bin Naa’if Bin C/casiis, Wasiirka Arrimaha Gudaha Sacuudiga, ayaa shalay oo Axad ahayd xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Amniga gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali.

Intii ay socotay soo dhaweynta ayaa waxaa si wadajir ah uga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa waddooyinka wada shaqeyn ee amniga, kaasi oo u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo quseeya.

Soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dr. Nasser bin Abdulaziz Al-Daoud, Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dr. Hisham bin Abdulrahman Al-Falih, Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga, Muxammad bin Muhanna Al-Muhanna, Agaasimaha Waaxda Amniga Dadweynaha,

Sarreeye Guuto Maxamed Bin Cabdalla Al-Bassami, Agaasimaha Guud ee Ilaalada Xuduudaha, Sarreeye Gaas Muhammad bin Abdullah Al-Shehri iyo tiro ka mid ah saraakiisha sarsare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , iyadoo dhanka Soomaaliya ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha.

Share:

Monday, September 18, 2023

Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka

 

Maraykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.

 

Share:

Sunday, September 17, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamse oo daah furay Qadashada kaarka Aqoonsiga Dadwaynaha

 

kaarka Aqoonsiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha Bangiga Adduunka iyo UNDP

 

Share:

Saturday, September 16, 2023

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa kala hadlay mashaariicda gargaarka ah shaqaalaha KSrelief

 

KSrelief

Wafdi ka socda Soomaaliya ayaa booqday xarunta King Salman Humanitarian Aid and Relief Centre (KSrelief) ee magaalada Riyadh, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Bidhaan Warsame oo hoggaaminaya wafdiga ayaa la kulmay Saalax Al-Mazrou oo ah kaaliyaha kormeeraha guud ee maamulka maaliyadda iyo maamulka ee KSrelief iyo Axmed bin Cali Al-Baiz oo ah kaaliyaha kormeeraha guud ee KSrelief ee dhanka howlgallada. iyo barnaamijyada.

Intii uu socday kulanka ayaa mas’uuliyiintu waxa ay ka wada hadleen arrimaha gargaarka, dib u eegis lagu sameeyo horumarrada mashaariicda ay KSrelief ka waddo Soomaaliya, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

War saxaafadeed ay soo saareen wafdiga booqashada ku jooga dalka Sacuudigaayaa lagu bogaadiyay gargaarka bini’aadantinimo ee Sacuudiga uu u fidinayo dadka ku dhibaateysan daafaha caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog