Thursday, May 18, 2023
JFS oo raashiin gargaar ah u dirtay dadkii ka barakacay fatahaada magaalada Baledweyne
Iyadoo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka jirto xaalado
nololeed oo ka dhashay fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay xaafadaha oo
sababtay iney barakacaan kumanaan qoys ayay dowladda Fedaraalka u dirtay
shixnadii gargaar ah oo loogu talo galay dadka barakacay.
Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Musoobooyinka Qaranka SODMA Maxamuud
Macallin Cabdulle iyo Wasirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan
Beenebeene ayaa Xalay Muqdisho ka sagootiyay ilaa 50 gawaari ah oo ay saaran
yihiin raashiin gargaar ah.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo kulan ku yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qatar
Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa kulan wada hadal ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xiriirka labada dal ee
Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii looga taageeri lahaa, loogana horumarin lahaa
dhinacyada kala duwan ee iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo
dhaqaalaha si looga shaqeeyo danaha guud iyo rabitaanka labada shacab ee
walaalaha ah, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay. horumarka gobolka iyo kuwa
caalamiga ah ee ugu muhiimsan ee danta guud.
Dhinaca Soomaaliya, kalfadhiga waxaa goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare ku
xigeenka, Saalix Axmed Gamea, wasiirka maaliyadda, Cilmi Maxamed Nuur, iyo
wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.
Dhanka Qatar waxaa ka soo qayb galay Mudane Sheikh Saud bin Abdulrahman Al
Thani, Madaxa Amiri Diwan, Marwo Buthaina bint Ali Al Jabr Al Nuaimi, Wasiirka
Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Sheikh Abdulrahman bin Hamad bin Jassim
Al Thani, Wasiirka Dhaqanka, Mudane Dr. Muhammad bin Abdulaziz Al Khulaifi,
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo tiro ka mid ah Mudaneyaasha,
mas’uuliyiin sarsare.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fiidnimadii Talaadada
gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaasoo uu booqasho rasmi
ah uu ku joogay.
Wednesday, May 17, 2023
Imaaraadka ayaa ah dalkii ugu horeeyay oo gurmad u fidiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha gobolka Hiiraan
Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamuud
Mucalim Cabdali, ayaa uga mahad celiyay Safaaradda Imaaraadka Carabta kaalmada
ay soo gaarsiisay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay magaalada
Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Imaaraatka Carabta ayaa noqday wadankii ugu horeeyay ee gurmad raashin ah u
fidiyay dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado ka
tirsan magaalada Baldwin oo sababtay barakaca kumanaan qof oo guryahooda ka
barakacay.
Waxaa xusid mudan in Soomaalida sanadihii ugu dambeeyay ay la ildaranayeen
abaaro is-daba-joog ah iyo fatahaado ka dhashay isbeddelka cimilada, magaalada
Baldwin ayaa muddo dheer ka mid ahayd magaalooyinka ay fatahaaduhu saameeyeen.
Xiriirka soomaaliya iyo imaaraadka ayaa ah mid sal adag leh, iyadoo
Imaaraadku uu safka hore kaga jiro kaalmaynta Soomaaliya ee arrimaha
bini’aadantinimada, wuxuuna door muuqda oo dhanka amniga ah ka qaataa
taageerada dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo kaalmaynta amniga ee dagaalka
lagula jiro argagixisada.
Tuesday, May 16, 2023
Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta adeegyada Caafimaadka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Xafiiska Ku qaabilay Safiirka
Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Fei Shengchao.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka
iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Xasan
Maxamed (Bullaale).
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Danjire
Fei Shengchao ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta saaxiibtinimada
soo jireenka ah iyo kor u qaadista iskaashiga Wasaaradaha Caafimaadka ee
Shiinaha iyo Soomaaliya.
Safiirka ayaana sheegey in Dowladda Shiinaha ay wax yaabo badan ka caawin
doonto qeybta Caafimaadka Soomaaliya, sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan
dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka
Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradda
Caafimaadka Dalalka horumaray si loo xaqiijiyo yoolka Wasaaradda Caafimaadka ee
ku aadan adeeg Caafimaad tayo leh oo dhamaystiran, kaas oo laga hirgelliyo
dhamaan Gobolada dalka.
Monday, May 15, 2023
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Safiirka Imaaraadka kala hadlaya sare u qaadista iskaashiga labada dal