Saturday, May 13, 2023

Madaxweyne Xasan" qofka dowladda ka tirsan mustawa kasta ha joogee ee hantida ummadda xada qaanuun ayaa dowladda uga degsan, yaan la soo daba kicin

 

Xasan Sheekh



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jimcaha maanta kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos Warbaahinta ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

“Qaraarkii shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada waa mid ka turjumaya in lacagaha shancuurta ah ee laga qaado dadka aysan ku dhicin gacan qaldan ama loo adeegsado dano gaar ah, isla markaana ujeedkii loo qaaday oo ahayd in bulshada loogu adeegayo lagu qabto, waana waxa aan raabno inaan ku taageerno Xukuumadda”.ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu ka digay in la qaraabeysto ama laga soo dabo ordo qof cunay hanti Qaran ama lagu tuhmayo, waxaana uuna intaa ku daray in shaqsigaas la marsiin doono sharciyada dalka u degsan haddii wax lagu helo ama lagu waayo.

Madaxweynaha ayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegay inay Xukuumadda ku taageeraan qaraarkii ay shalay meelmarisay, si loo dhaqangeliyo, maadaama Xukuumaddu ay ka go’antahay fulinta qaraarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Maxkamadaha iyo saxaafadda waxaan ku dhiirigelinayaa in marka la qaadayo kiisaska la xiriira musuqmaasuqa in bulshada si toos ah loogu baahiyo, si shacabku ay ula socdaan”.

 

Share:

Friday, May 12, 2023

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir arrin Muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay Switzerland

 

Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xil: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta La socodka Barakacayaasha Gudaha (IDMC) oo ah hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva, ayaa lagu soo bandhigay in tirada dadka gudaha ku barokacay (IDPs) ay gaartay 71.1 milyan adduunka dhammaadki sanadkii hore, sababo la xiriira iska-hor-imaadyada iyo masiibooyinka cimilada.

Ergeyga ayaa madasha ka jeediyay aragtida dawladda Soomaaliya ee ku aaddan mushkilada iyo xalka arrimaha barakaca, isagoo diiradda saaray sida ay lagama maarmaan u tahay in wax laga qabto asalka mushkilada cunta yarida oo ah la’aanta maalgelinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, uguna horrayso maalgelinta beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dalkeenna, barakacayaal gaaraya 3.6 milyan ayay colaadaha, abaaraha, fatahaadaha iyo cunto yaridu ku qasbeen in ay magaalooyinka buux dhaafiyaan, taas oo Soomaaliya ka dhigtay dalka ugu horreeya ee dadkiisu magaalooyinka iskugu soo ururayaan.

Ku dhowaad 46% dadka Soomaaliyeed waxay maanta ku nool yihiin magaalo, waxaana hoos u sii dhacaysa noloshii miyaga ee xoolo dhaqashada iyo beerashada

 

Share:

Thursday, May 11, 2023

Soomaaliya ayaa magaalada Jeddah uga qeyb gashay shirka sanadlaha ah ee Wasiirada Maaliyadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiirrada Maaliyadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka
 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadd
a Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa gaaray Magaalada Jiddeh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiirka ayaa halkaas uga qeyb gelaya Shir sanadeedka Wasiirrada Maaliyadda Waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka OIC.

Dr. Cilmi ayaa la shirtagaya qorshaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, hannaanka Deyn cafinta, kor u qaadista dhaqaalaha Dalka, xoojinta ilaha Dakhliga uu kasoo galo Dalka iyo qodobo kale sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo ku dhow Shirkaas.

Soomaaliya waxaa horyaalla shuruudaha la hordhigay si looga cafiyo deynta ku waqti dheeraatay, qaar kamid ah shuruudahaas waa ay kasoo gudubtay halka kuwa kale ay ku howlan tahay in ay ka gudubto caqabadahaas.

Wasiirka Maaliyadda Boqortooyada Sacuudiga oo shirkaan martigeliyay ayaa daah-furka ka hadlaya muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Wasiirrada kala duwan ee kala metalaya waddamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

 

Share:

Wednesday, May 10, 2023

DF iyo Indonesia oo kawada hadlay horumarinta dhaqaalaha

R/W Xamza


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Indonesia ayaa intii uu kulanku socday isla soo qaaday xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Kulanka waxaa si gaar ah loogu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ah oo dhex mara labada waddan.

Indonesia ayaa ka mid ah dalalka xagga warshadaha horumarka ka sameeyay, iyada oo sanad waliba badeecado lagu farsameeyay dalkaas loo soo iib geeyo Soomaaliya, iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay sanad waliba badeecado kala duwan u dhoofiyaan.

 

Share:

Tuesday, May 9, 2023

RW Xamse: Marnaba raali ka ahaan mayno doorasho horseeda burburka Puntland

 

RW Xamse

Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu masuul ka yahay fashilka ku yimaada barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse oo ay tahay markii ugu horreysay oo uu arrimaha Puntland si adag uga hadlo, waxa uu sheegay in aysan marnaba raali ka noqon doonin in la fashiliyo geeddiga dheer ee loosoo galay daynta cafinta.

Xamse wuxuu sheegay fashilka kaste oo ku yimaada dayn cafinta inuu masuul ka noqonayo madaxweynaha Puntland, isagoo ugu baaqay madaxweyne Deni in arrimaha dayn cafinta uusan siyaasad soo dhex galin.

Dhinaca kale, raysal wasaare Xamse oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka Puntland, ayaa caddeeyay in Dowladda federalka aysan marnaba raali ka ahaan doonin doorasho horseeda burbur ku yimaada Puntland.

“Waxaa fiican inay dadku is doortaan oo doorasho xor ah la aado. Laakiin ka warama haddii ay keenayso burburka Puntland. Waa in sidii lagusoo caano maalay lagu socdaa, oo wax lawada oggol yahay lala yimaadaa, haddii kale maya,” ayuu yiri raysal wasaare Xamse.

Xamse wuxuu sheegay in aysan gorgortan ka galidoonin in dagaal laga rido Puntland oo nabad galyadeeda iyo jiritaankeeda lagu xadgududbo. Wuxuuna ku baaqay in odayaasha dhaqanka talada dib loogu celiyo.

 

Share:

Monday, May 8, 2023

DF oo shaacisay tirada ciidamo la keenayo dalka iyo dowladda bixinaysa kharashka

 

Villa Somalia

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa shaaciyay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay afar dal, oo qaar kamid ah yihiin waddamada deriska.

Ciidankan cusub ee la keenayo dalka ayaa waxay tababar kusoo qaateen dalalka Ethiopia, Eritrea, Uganda iyo Masar, waxaana qarashaadka ku baxaya bixineysa dowladda Imaaraadka Carabta.

La-taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ciidankan tababarka soo dhameystay lagu soo celinayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Xuseen ayaa shaaciyay in ciidankaan tababarkooda, saanadooda iyo mushaarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kal hore heshiis dhanka militariga la saxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Isbuucyada soo socda waxaa soo dhameystirmaya 10,000 Askari oo qarashaadka ku baxaya ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali.

La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ciidankaan Mushaarkooda bixineyso, si kumeel-gaar ah illaa inta ay dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo afjarmayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay ka wado dalka.

“Waxaa lagu soo tababaray dalal kala duwan, qoladii u horeysay ee Uganda lagu soo tababaray ee Muqdisho la keenay qoladii ay ku diirsatay caasimadda ayay noqotay. Faa’iidadeedii waa arkeen dadka Soomaaliyeed, inay qeyb ka noqdeen soonkii ugu horreeyay.”

Si kastaba, Ciidankan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda federaalka ku rabto inay kula wareegto amniga guud ee dalka, iyada oo ciidanka ATMIS ay qorshuhu yahay inay ka baxaan dalkeenna daba-yaaqada sanadka 2024-ka.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog