Sunday, May 7, 2023
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kula qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf
Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay
Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki
Gbeho, iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM.
Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid
yihiin xaaladaha Amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugida
Amniga Caasimadda, taasi oo xafiiska QM u Amaanay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida Amniga Muqdisho.
Sidoo kale kulankan ayaa loogu hadlay xal u helida Arrimaha barakacayaasha
maadaama Magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan Barakacayaal oo siyaabo
kala gedisan ugu kala yimid Gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay
dhibaatooyinka Abaareed iyo dagaalada lagula jiro kooxaha Khawaarijta.
Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dhaw Maamulka Gobolka
Banaadir kala shaqeyn doonnaan Arrimaha Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska,
iyagoo soo dhaweeyay Qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista
Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso 1$.
Saturday, May 6, 2023
AMISOM oo sheegtey sida ay uga go'an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso ciidamada ammaanka Soomaaliya
Xilli dabayaaqada sanadka soo aadan ee 2024, la qorsheeyay in ciidanka
howlgalka midowga Africa ee ATIMIS ay ka baxayaan Soomaaliya ayaa waxaa
bartamaha sanadkaan lagu wadaa in dalka laga daadgureeyo kumanaan ka tirsan
ciidanka midowga Afrika sida uu sheegay mas’uul u hadalay howlgalka nabad
ilaalinta ee EX AMISOM.
Maj. Gen. Marius Ngendabanka oo ah taliye ku-xigeenka
howlagalka cusub ee nabad ilaalilinta ATMIS ayaa sheegay in marka la gaaro
bisha June ee sanadkaan qaraarka Qaramada Midoobey uu dhigayo in Soomaaliya
laga saaro 2000 oo askari, isaga oo xusay in howlo farsamo ay dib ugu dhaceyso
fulinta howshaan bisha August 2023.
Taliyaha oo ka jawaabayay su’aal aheyd howlgalka socda kama muuqataan ayaa
ku jawaabay in ciidanka xoogga dalka ay ka taageeraan dhinacyada farsamada,
saadka, sirdoon iyo diyaadaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa kale ciidanku
istimaalaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay jiraan waqtiyo badan ay ka
muuqdeen howlgallada.
Howlagalka ciidamada midowga Afrika oo 15 sano jirsaday ayaa dib loogu
ciliyay nabad ilaalinta ATMIS, sanadkii 2022, markaas oo howlgalka AMISOM laga
badalay, intii lagu jiray howlgalka ayaa waxaa khasaaro badan kasoo ciidamo u
dhashay Uganda iyo Burundi, kuwaas oo la kulmay weerarro kale duwan oo ka
dhacay gobollada dalka.
Ciidamada midowga Afrika ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo sanadkii
2007, xilligaan oo gudaha Muqdisho uu ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidanka
dowladda iyo kooxda Al-shabaab, waxaana dowladaha ugu badan ee ku tabarucay
ciidanka jooga Soomaaliya kamid ah dowlaha Uganda, Burundi, Itoobiya, Kenya iyo
dowladda Jabuuti.
Friday, May 5, 2023
Md Xasan oo si weyn u dhaliilay Saciid Deni, kana digay
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay
xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha maamulka Puntland ee salka ku haysa
doorashada maamulkaas iyo damaca la xiriira ee madaxweyne Saciid Deni.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka
dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay
khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Saciid Deni iyo siyaasiyiinta reer
Puntland ee mucaaradsan.
“Ifa-faalayaasha muuqda wadada aan soo marnay ee aan sheegayno marka u
barbar dhigno ifa-faalayaal fiican ma ahan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud oo ka deyriyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa uga digay madaxweyne Saciid Deni iyo maamulkiisa inay
isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn, isagoo hoggaanka Puntland ugu
baaqay inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo qal-qal gelin karta nidaamkii ay
horay Puntland ugu soo caana maashay.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland ee ugu
sareeyo madaxweyne Deni inay tix-geliyaan rabitaanka bulshada, oo aysan ka
tallaabsan, “ha ka tallaabsanin kama tallaabsan kartaane, aad iyo aad ugu dhago
nuglaada oo dhageysta.”
“Meel dhaqan leh oo dhaqankeedu xooggan yahay oo siyaasiyiin dalka laga
yaqaano leh waaye, siyaasiyiinta ha la dhageysto, odayaasha dhaqanka ha la
dhageysto. Ka bacdi sida uu maamulka iyo dowladnimo u adkaanayaan ha la
yeello.”
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doorashooyinka qof iyo cod ee uu
leexsaday Deni, ay hore uga gadmi weyday reer Puntland, sidaas darteed ay tahay
in si wada-ogol ah oo lagu qanacsan yahay lagu saleeyo hanaanka doorashooyinka
maamulkaasi ee qof iyo codka ah.
Thursday, May 4, 2023
DF oo sheegtay in 70% hoos u dhaceen weeraradii Alshabaab ay geysan jireen
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sheegay in 70% hoos loo dhigay weeraradii
ay kooxda Alshabaab ka geysan jireen dalka, iyagoo bogaadiyey ciidamada amniga
oo guula ka gaaray dagaalka dib xorreynta dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiirrada ayaa lagu sheegay in
lagu guuleystay xasillinta caasimadda, taasoo ay sheegeen inay sababtay in si
nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii Ramadaan ee lasoo
dhaafay.
Ciidamada cusub ee laga howlgaliyay magaalada Muqdisho, ayaa ku guulaystay
inay hoos u dhigaan dhacdooyinki amni darro ee Muqdisho ay ka geysan jireen
Alshabaab iyo ciyaal weerada.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa bixisay mushaarka iyo qalabaynta
ciidamadan, sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh oo dhowr habeen ka hor
hadlayay dood dadweyne oo su'aalo lagu weydiinayay.
Inkastoo dowladdu adkaysay amniga Muqdisho, haddana Alshabaab ayaa bishii
tagtay weeraro dhaliyay khasaare badan ka geysatay gobolada Galgaduud iyo
Mudug, iyagoo weeraray xarumo ciidamada Dowladda iyo kuwa dib u xorayntu
joogeen.
Wednesday, May 3, 2023
HSN Sheekh oo hadal furan ka jeediyay Telefishinka Qaranka, ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Marqaati ka timid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dowladdiisa
ay hormuud ka tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isla markaana uu
rajeynayo mustaqbal xasiloon oo aan xagjirnimo laheyn.
Sheekh Maxamuud oo wada hadal furan ka jeediyay Telefishinka Qaranka, ayaa
bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa ku taabtay xiriirka labada dal ee
ku qotoma taariikhda, wuxuuna dib ugu laabtay horraantii todobaatameeyadii ee
qarnigii tagay, isagoo taabtay dhacdooyin ku haray xusuusta iyo sidoo kale
taariikhda.
Wuxuu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu goob joog u ahaa booqashadii uu
Soomaaliya ku yimid hogaamiyihii geeriyooday ee Imaaraatka Sheikh Zayed bin
Sultan Al Nahyan.
Waxa uu intaa ku daray in uu la kulmay Marxuum Sheekh Zayid oo uu ku
wehliyo Madaxweynihii Soomaaliya ee xilligaa, General Maxamed Siyaad Barre, uu
kula kulmay Iskuullada Dowladda ee ku yaalla Magaalada Marka ee Gobolka
Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta dalka.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in Imaaraadka ay Soomaaliya siiyeen deeqo
muhiim ah xilligii dowladdii dhexe ee burburtay 1991-kii, gaar ahaan dhismaha
Somali Airlines.
Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday in Imaaraadku uusan marnaba ka
tagin Soomaalida, haddii ay barwaaqo tahay iyo haddii ay dhibaato jirto, isagoo
tilmaamay in isu soo dhawaanshaha labada dal uu ku yimid xiriir taariikhi ah
iyo mid istiraatiiji ah.
Sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya, Imaaraadku wuxuu ka mid yahay
tiirarka ugu waaweyn ee dagaalka ay Muqdisho ka wadaan argagixisada si
xididdada loogu siibo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada xagjirka ah.
Waxa uu ku micneeyay in Imaaraadka ay ku bixiyeen qarashka ku baxa tababarida
iyo qalabeynta ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee gacanta ku haya amniga
caasimadda, isagoo xusay inay sii wadayaan bixinta mushaaraadka ciidamadeena oo
aan wax magdhow ah laga siin.
Waxa uu ka digay in sinaba aysan u aqbali doonin in la naceysiiyo xiriirka
adag ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna carabka ku adkeeyay in siyaasadda
arrimaha dibadda ee maamulkiisa ay ku jirto in aan dhib la’aan iyo in laga
shaqeeyo danaha Soomaaliyeed.
Bini’aadanti ahaan, Imaaraatka Carabta waxaa lagu tiriyaa taageerayaashii
ugu horreeyay ee Soomaaliya soo mara soddonkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo
gacmaheeda cadaanka ah ay diiradda saarayeen hubkooda bini’aadantinimo ee
waxbarashada, caafimaadka iyo horumarka.
Maxamed Nuur oo ah falanqeeye siyaasadda Soomaaliya oo ka faalloonaya
ammaanta Sheekh Maxamuud, ayaa aaminsan in ay caddayn u tahay baaxadda dalabka
Abu Dhabi iyo mowqifka dhabta ah ee ay ka qaadatay sidii Soomaaliya looga
badbaadin lahaa dhibaatooyinka argagixisada.
Nuur ayaa farta ku fiiqay in bilowgii sanadkan ay labada dhinac kala
saxiixdeen heshiis amni iyo mid militeri, iyadoo Soomaaliya ay midhaheedii
guratay iyadoo la qalabeeyay 3,000 oo askari si ay u sugaan ammaanka caasimadda
Muqdisho.
Nuur waxa uu carabka ku adkeeyay in soo laabashada khudbada madaxweynaha ee
uu kaga hadlayo Sheekh Zayed iyo doorka uu ku leeyahay dhidibada u aas aasida
xiriirka jira ee dhinac walba ah ay cadeyn u tahay xaqiiqada ilaalinta
xiriirkaas oo macno weyn ugu fadhiya Muqdisho marka loo eego dhinacyada
kale.
Khabiirka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay xiriirka labada
dal, iyadoo la tixgelinayo in Madaxweyne Sheekh Maxamuud uu ku riyaaqayo
xaqiiqada dhabta ah ee ku aadan siyaasadda arrimaha dibadda, maadaama
Imaaraadku uu ahaa safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda ah bishii Luulyo ee la
soo dhaafay.
Tuesday, May 2, 2023
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GOOB-FAGAARE AH KAGA JAWAABAY SU'AALAHA MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED