Tuesday, April 25, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi

 

Xasan Sheekh



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyada oo dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka iyo adduunka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha deg-degga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxa uu kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taasi oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka.

Mudane Albert Shingiro ayaa Axadii soo gaaray dalka, wuxuuna horkacaya wafdi ballaaran oo uu qeyb ka yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka ciidamada.

Wasiir Albert Shingiro ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ay yeesheen wada-hadallo gaar ah, kuwaasi oo diiradda lagu saaray taageerada xagga ammaanka ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah howl-galka ATMIS.

Burundi ayaa ka mid ah waddamada dhanka militariga ka taageera Soomaaliya, waxayna qayn ka yihiin howl-galka ATMIS ee ururka Midowga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan uu si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan waddamada ciidamada ka joogaan dalka.

 

Share:

Monday, April 24, 2023

Soomaaliya oo wadah Qorsho ay doonayso in la kordhiyo joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS

 

Dowladda Soomaaliya

Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS ayaa lagu wadaa in loo kordhiyo joogitaankooda Soomaaliya, arrintaas oo ay haatan ka wada hadlayaan dowladda Soomaaliya iyo guddiga nabadda ee Midowga Afrika.

Qorshahaan ayaa wuxuu sheegayaa in ATMIS lagu sii hayo Soomaaliya ugu yaraan laba sano oo dheeraad ah, taasoo meesha ka saaraysa qorshaha ka bixitaankooda Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2024, sida lagu heshiiyay.

Dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa horey u soo jeediyay muddo shan sano ah oo kala guur ah oo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegi doonaan dhammaan howlaha amniga, balse Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay wadar ahaan 32 bilood laga bilaabo Abriil 2022.

Dalalka ciidamada ku deeqay waxay door bidayaan inay ka baxaan Soomaaliya 2026, laakiin tani waxay ku xidhan tahay inay ansixiyaan beesha caalamka oo leh awoodda dhaqaale, sida EU, UK iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo maalgeliyay howlgalka, oo illaa iyo hadda ay ku baxday $3 bilyan tan iyo 2007.

Si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub, ayaa dhawaan walaac ka muujiyay in beesha caalamka aysan waxba ka qaban dhameystirka xilliga kala guurka ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada ammaanka, tababaridda iyo qalabeynta ciidamada milateriga iyo booliiska.


Share:

Wednesday, April 19, 2023

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya

 

Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan magaalada Washington ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadanimo ee dalka, kadib wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in weli Soomaaliya ay ku jiraan xaalado adag oo ka dhashay fatahaado iyo abaaro xoogan oo soo laa kaabtay.

“Suura gal maahan in 30 sano aan ku jirno fatahaad iyo abaar dhexdeeda, adduunkane uu nagu sheegto in uu nagu baxshay balaayiin dollar.” ayuu wareysigaan ku yiri ergeygu.

Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay halka ay ku baxaan dhaqaalaha tirada badan ee ay magaca Soomaaliya kusoo qaataan hay’adaha samafalka ee ka howlgala gudaha waddanka.

“12-kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya $8 Bilyan ayaa ku baxday oo mucaawino ah, weli abaarta way taagan tahay, sanadkii hore $1.4 Bilyan ayaa dalbatay, haddane $2.8 Bilyan ayaa dalbanaysaa, dhibaatada way sii kordheysaa ee dhaqaalaha xaguu aadaa?” ayuu sii raaciyay.

Warsame ayaa xusay in haatan dowladda federaalka iyo beesha caalamka ay ku wada heshiiyeen inay sameeyaan isla xisaabtan dhab ah, si meesha looga saaro la socosho la’aanta hay’adaha samafalka.

“Soomaaliya lama xisaabtanto Hay’adaha ka shaqeeya Samafalka iyo gargaarka, mudnaanta ay u baahan tahay miiska looma saaro.” ayuu markale yiri CC Warsame.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Dowladda Soomaaliya waxaa ka saari kara gacan hoorsiga iyo in ay ku tiirsanaanto ajnabi waa isla xisaabtan la’aan, sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, dadkii la xisaabtami lahaa shaqooyinka la xiriira in la xijiyo”.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaaladdii ugu darneyd ee dhanka bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka, kadib markii ay baaqdeen shan xilli roobaad oo la filayay.

Share:

Tuesday, April 18, 2023

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Uk oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho

 

Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan arrimaha caafimaadka Muqdisho kula saxiixday Xafiiska Dawladda Ingiriiska u qaabilsan arimaha horumarinta caafimaadka.

Heshiiskan ayaa dhigaya mashruuc caafimaad oo laga hirgalin doono qaybo ka mid ah dalka, kaas oo la rajaynayo inuu wax weyn ka tari doono hoos u dhiggidda dhimashada dhallaanka iyo Hooyada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegey in Dowlada Ingiriiska ay uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dawladda Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale Wasiirku hoosta ka xarriiqay muhiimadda Mashruucani u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.

Sii hayaha safiirka safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Marwo Lottie Burrows ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ka go’antahay sii wadidda taageerada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go'an tahay baahinta iyo tayaynta Barnaamijyada Caafimaad ee dalka si loo helo Bulsho bedqabto, iyadoo la raacayo yoolka Caafimaadka ee Dowladda.

Share:

Monday, April 17, 2023

MD xasan oo u ololeynaya in laga qaado cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay

 

Qaramada Midoobay

Bisha soo socota, Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa mar kale dib u eegis ku sameyn doona cunaqabateynta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa kamida ah waddamada si cad ugu baaqay in la qaado xayiraada hubka ee saran dalkaas.
Arrintaan waxay kusoo aaday xilli toddobaadkii hore, Golaha Nabadda ee Midowga Afrika uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ahayd inay tixgeliso codsiga soo noqnoqda ee Soomaaliya si looga saaro xayiraadda hubka.

Golaha oo la tacaalaya khataraha amni ee Afrika, ayaa sheegay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta saaran “si loo xaqiijiyo in dalku uu si ku filan u qalabeeyo ciidankiisa si wax looga qabto khataraha amni ee Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee ka hawl-gala Soomaaliya, xilli uu isku diyaarinayo in uu la wareego talada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku celiyay in xayiraadaasi ay waqtigeedu dhaaftay ka dib markii uu marti geliyay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayay Xoghayaha Guud Antonio Guterres.

Share:

Sunday, April 16, 2023

Imaaraadka Carabta waxa uu Soomaaliya ka taageera dhinac walba

 

Imaaraadka

Burburkii Soomaaliya ka dib 1991-kii, Imaaraatka Carabta ayaa ka mid ahaa dalalkii ugu horeeyay ee gacanta u fidiyay Soomaaliya oo ay ka jireen abaaro ba’an iyo colaado soo noqnoqday.

Imaaraadku waxa uu Soomaaliya u fidiyay kaalmo dhinacyo badan leh taasoo ku kacaysa boqolaal milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo ay ku fulinayeen mashaariic bani’aadanimo iyo hawlgelin.

Mashaariicda horumarineed ee uu Imaaraadku ka fuliyo Soomaaliya kuma koobna oo kaliya dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada, balse waxaa jira mashaariic dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, iyadoo shirkadda P&O Ports ay sanadkii 2017-kii la saxiixday heshiis lagu maamulayo laguna horumarinayo dekedda Boosaaso oo arrimo badan taabanaya. Dawlad goboleedka Puntland muddo 30 sano ah, kuna kacaya 336 milyan oo dollar.

DP World waxa kale oo ay saxeexday heshiis lagu horumarinayo laguna balaadhinayo dekedda Berbera, iyada oo lagu maalgelinayo lacag dhan $442 milyan oo dollar oo laba weji ah. Mashaariicdan ayaa gacan ka geysta horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo ay u dheer tahay in fursado shaqo ay helaan muwaadiniin badan.

Imaaraatka Carabta ayaa bixiya dhaqaalaha lagu tababaro ciidamada Soomaaliya iyo wixii la mid ah, iyadoo la kaashanayo ammaanka iyo iskaashiga milateri ee ay la leeyihiin Muqdisho, si loo qalabeeyo ciidamada Soomaaliya looguna diyaariyo inay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika. kaas oo xilkiisu uu dhacayo Diisambar 2024.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee walaalaha ah ee kaalin mug leh ka qaata taageerada Soomaaliya heerarkeeda kala duwan, taasoo sidoo kale gacan ka geysata dib u soo kabashada Soomaaliya iyo xaqiijinta xasilloonida dhinacyo kala duwan leh, iyagoo garab ka helaya walaalahooda, kuwaasoo sidoo kale gacan ka geysta sidii ay Soomaaliya u heli lahayd xasillooni. ammaanay dhismaha xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ee walaalaha ah dhinac walba.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog